WARBIXIN: Real, Barca, United, Arsenal & 5 Kooxood Oo Laga Yaabo In Ay Ku Tartamaan Saxiixa Mauricio Pochettino

1613

Tababare Mauricio Pochettino ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee 6-da kooxood ee ugu waaweyn ee England ee ay la tagto seefta caydhinta kadib markii ay Tottenham xaqiijisay in uu tababaruhu isaga tagay kooxda.

Warkan ayaa si weyn farxad ugu ah 5 kooxood oo waaweyn oo reer yurub ah kuwaas oo doonayay in ay tababare ka dhigtaan kadib shaqadii fiicnayd ee uu ka qabtay Tottenham sanadihii ugu dambeeyay.

1.Real Madrid:

kooxda Real Madrid ayaa ilaa haatan la socotay tababaraha reer Argentina inkasta oo ay haystaan tababare Zidane hadana Los Blancos ayaa isku dayi doonta in ay tababarahan la soo saxiixato sidii ay horay dhawr jeer isugu dayday in uu u hogaamiyo kooxda.

2.Man United:

Red Devils ayaa dhankeeda haysata tababare laakiin kaas ayaan kooxda ku hogaamin nartiijooyin fiican waxana laga yaabaa in ay haatanba iska dirto tababare Ole Gunnar Solskjaer kadib qaab ciyaareedkii xumaa ee ay kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedkan si ay u hesho Mauricio Pochettino.

3.Bayern Munich:

Kooxda reer Germnay oo dhankeeda shaqada ka caydhisay tababareheedii Niko Kovac ayaa haatan fursad u haysata in ay haatanba magacawdo tababare Mauricio Pochettino iyaga oo xitaa ku daray Liiska tababarayaasha ay doonayaan si uu kooxda tababare ugu noqdo.

4.Barcelona:

waa koox kale oo si weyn loo filayo in ay iska caydhiso tababare Ernesto Valverde hadii ay Natiijooyinka kooxdu iska badali waayaan sida ay haatan yihiin waxana ay Barcelona bartilmaameed ka dhigan kartaa haatan Mauricio Pochettino kaas oo horay uga soo shaqeeyay La Liga.

5.Arsenal:

Gunners ayaa ah koox si weyn ula xafiitanta kooxda Tottenham oo uu Mauricio Pochettino tababare u soo ahaa waxana laga yaabaa in ay Arritaas caqabad ku noqoto heshiis kasta oo dhici kara laakiin meesha lagama saari karo marka loo eego in ay Arsenal u baahantahay tababare sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka xun ee kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.