RASMI: Tottenham Oo Xaqiijisay In Ay Shaqada Ka Caydhisay Tababare Mauricio Pochettino

1719

Kooxda Tottenham ayaa xaqiijisay in ay si Rasmi ah shaqada uga caydhisay tababare Mauricio Pochettino kaas oo isaga tagay kooxda Spurs.

Shaqo ka caydhinta tababaraha reer Argentina ayaa timid kadib markii ay kooxdu heshay natiijooyin xun horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo ku jira kaalinta 14-aad.

Maamulka Kooxda Tottenham ayaa go’aansaday maanta in ay shaqada ka caydhiyaan tababare Mauricio Pochettino.

Tababarahan ayaa shaqadiisa waayay inkasta oo uu kooxda Tottenham markii ugu horaysay ee taariikhdeeda geeyay Finalka koobka champions League.

Kooxda Tottenham ayaa kaliya badisay 3 kulan oo ka mid ah 12 kulan oo ay ciyaartay horyaalka premier League iyaga oo laga badiyay 4 kulan 5 kalena bar-baro galay.