Hordhac:: Waa Maxay Taariikhda Cajiibka Ah Ee Lagu Xasuusto Kulanka Labadan Koox.

1763

Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda Sheffield United kulan ka dhici doona garoonka Bramall Lane kana tirsan todobaadkii 13-aad ee horyaalka La Liga.

Kooxda Man Unted oo kulamadii ugu dambeeyay ee premier League ku soo laabatay wadada saxda ah ayaa isha ku haysa in ay sii wadaan guulaha horyaalka Premier League.

Dhanka kale Kooxda Sheffield United ayaa bartilmaameedsanaysa in ay kaalinta 5-aad ka gasho kala saraynta horyaalka iyada oo kaliya arintaas ka xigto guul ay ka gaadho Man United.

Kulanka: Sheffield United Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30pm

Garoonka: Bramall Lane

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kadib markii ay 2/1 ku garaacday Man United kulankii ugu horeeyay ee taariikhda premier League Sheffield United ayaa guuldaro kala kulantay Red Devils 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka.

Tartamada oo dhan Man United ayaa Sheffield United garaacday 7-dii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo ka dhaliyay 14/1.

Kulanka Sheffield United Vs Man United Ayaa Caan Ku Ah Goolkii Ugu Horeeyay Ee Abid Laga Dhaliyay premier League markii magaca laga badalay kadib markii uu Xiddiga Brian Deane dhaliyay goolka 5-tii daqiiqo ee ugu horaysay kulan dhacay 15 August 1992.

Sheffield United ayaan guuldaro la kulmin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League iyada oo badisay laabdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonkeeda.