WARBIXIN:Pochettino -> Man United, Ten Haag -> Liverpool, Nagelsmann -> Arsenal & Tababarayaasha Mustaqbalka Dhaw Qaban Kara 6-da Kooxood Ee Ugu Waaweyn Premier League

1949

Shaqada tababaranimo ee horyaalka premier League ayaa ah mid aan la isku halayn karin waxana uu tababaruhu shaqada waayi karaa mar walba hadii ay xumaato natiijada kooxda uu hogaaminayo.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa noqday tababrihii ugu dambeeyay ee waayay shaqadiisa isaga oo laga caydhiyay Tottenham laguna badalay tababare Jose Mourinho.

Shaqo ka caydhinta tababaraha reer Argentine ayaa muujisay in uuna tababare kasta oo premier League ah amaan ku ahayn shaqadiisa si walba oo uu qaab ciyaareed fiican ugu hogaamiyay kooxdiisa.

Wargayska Express Sport ayaa diyaarisay warbixin ay ku soo saartay tababarayaasha Mustaqbalka dhaw hogaamin doona kooxaha premier League waxana aan ka soo qaadanay 6-da kooxood ee ugu waaweyn premier Leageu Liverpool, Man City, Chelsea, Tottenham, Arsenal iyo Man United.

1.Arsenal – Julian Nagelsmann

Unai Emery ayaa mar walba guuldaro kaliya ka xigta in laga caydhiyo shaqada kooxda Arsenal waxana ay maamulka Arsenal bartilmaameedsanayaan tababaraha Kooxda RB Leipzig.

Julian Nagelsmann ayaa sumcad ku yeeshay in uu ka mid yahay tababarayaasha ugu fiican horyaalka Bundesliga da,diisa 32 jirka ahna waxa ay faa,iido u tahay in uu hogaamiyo kooxda da,yarka ah ee Arsenal.

2.Chelsea – Brendan Rodgers

Frank Lampard iyo kooxdiisa ayaa duulaysa haatan mana jirto qof haatan uga fiican shaqada chelsea laakiin arintaas ayaa laga yaabaa in ayna Mustaqbalka dhaw kaga filanaan in uu sii haysto shaqadiisa.

Dhanka kale Brendan Rodgers ayaa muujiyay awoodiisa tan ilaa markii uu ku soo laabtay England isaga oo hogaamiya Leicester City waxana uu horumarin karaa xiddigaha kooxda chelsea ee haatan.

3.Liverpool – Erik ten Haag

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaan haysan wax sabab ah oo uu kaga tago Liverpool haatan laakiin waxa mustaqbalka dhaw la filayaa in uu soo afjaro mustaqbalkiisa Anfield.

Tababaraha kooxda Ajax ee Erik ten Haag ayaa ah tababraha sii wadi kara shaqada Fician ee Arsenal marka loo eego in uu kooxda reer Holland ee uu haatan hogaamiyo ka dhigay koox wood ku leh yurub waliba ciyaarta kubad qurux badan.

4.Manchester City – Mikel Arteta

Pep Guardiola ayaa haatanba lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Man City waxana lala xidhiidhinayaa kooxdiisii hore ee Bayern Munich iyada oo laga yaabo in uu xilli ciyaareedkan noqdo midkii ugu dambeeyay ee uu hogaamiyo Arsenal.

Mikel Arteta ayaa ah xiddiga kaliya ee sii wadi kara falsafada Guardiola marka loo eego in uu sanadihii ugu dambeeyay ahaa gacanta midig ee tababaraha reer Spain.

5.Manchester United – Mauricio Pochettino

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa haatanba wajahaya cadaadis dhanka shaqada Man United ah inkasta oo ay kooxdu qaab fiican ku jirto kulamadii ugu dambeeyay laakiin tababare Mauricio Pochettino ayaa sugaya hadii uu tababaraha reer Norway kufo.

Shaqadii uu ka qabtay kooxda Tottenham ayaa ka dhigaysa tababarahan in uu koox fiican ka dhigi karo koox walba oo yurub ah oo uu qabto hadii uu haysto hubka ugu fiican.

6.Tottenham – Nuno Espirito Santo:

Tottenham ayaa dhawaan soo dhawaysay Jose Mourinho kadib bixitaankii Pochettino laakiin taas ayaan la macno ahayn in aan bilo kadib laga caydhin karin shaqada tababaraha reer Portugal sida horay ugu soo dhacday kooxo badan.

Tababaraha ay isku dalka yihiin ee Nuno Espirito Santo ayaa ah tababare ku fiican kubada casriga ah ee quruxda badan ee weerarka isaga oo Wolves ka dhigay koox ka mid ah kooxaha ugu fiican premier League waliba ku hogaamiyay Europa League.