Liverpool Oo Loo Sheegay In Ay U Dhaqaaqdo Saxiixa Zlatan Ibrahimovic Si Uu U Caawiyo Halkan Xiddig.

1723

Kooxda Liverpool ayaa loo sheegay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigii hore ee kooxda Man United iyo PSG ee Zlatan Ibrahimovic kaas oo dhawaan noqon doona xiddig xor ah.

Zlatan Ibrahimovic ayaa noqon doona xiddig xor ah bilowga sanadka cusub waxana jirta kooxo badan oo lala xidhiidhinayo xiddiga khabiirka ah.

38 jirkan ayaa muddo 2 sano ah ku qaatay kooxda LA Galaxay isaga oo dhaliyay 53 gool 58 kulan oo uu ciyaaray.

Laakiin waxa uu go,aansaday in uuna heshiiska u kordhin kooxda isaga oo haatan db ugu soo laabanaya qaarada yurub.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Craig Burley ayaa Liverpool kla taliyay in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga maadama uu noqon karo dookh kale oo uu Klopp ku xoojin karo kooxdiisa.

Reds ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League waxana la rumaysan yahay in ay suuqa ka raadinayaan xiddig ay ku nasiyaan Weeraryaanka Roberto Firmino.

Craig Burley ayaana rumaysan in uu Ibrahimovic noqon karo dookh fiican hadii ay keenaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

“Waan ku qosolnay markii aan ka hadlanay in uu Jurgen Klopp kooxdiisa waydiisan karo”ayuu Burley u sheegay ESPN.

“Laakiin waxa aan aaminsanahay in uu yahay dookha fiican oo wakhti dhaw u ah Liverpool”.

“Waan ogahay in uuna ku soo baxayn qaab ciyaareedka Liverpool ee ah cadaadiska badan”.

“Laakiin ma ahaystaan xiddig aan Roberto Firmino ka ahayn oo ah weeraryahan toos ah”.

“Fadlan ha ka hadalin Divock Origi, Waxa aad ka hadlaysaa Liverpool oo doonaysa in ay ku guulaysato horyaalka markii ugu horaysya muddo 30 sano ah mararka qaar waxa aad u baahantahay dookh ka duwan kuwa aad haysato”