Shax Sidee Ah Ayay Arsenal Ku Ciyaari Kartaa Hadii Uu Nuno Espirito Santo Noqdo Tababaraha Gunners

1675

Tababare Unai Emery ayuu saaran yahay cadaadis xoogan xilli ay maamulka Arsenal haatanba bilaabeen raadinta cida shaqada ka badali doonta tababaraha reer Spain.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in tababaraha kooxda Wolves ee Nuno Espirito Santo haatan noqday bartilmaameedka 1-aad ee u sharaxan in uu Emery ka badalo shaqada Gunners.

Maamulka Arsenal ayaa la sheegayaa in ay la dhacsanyihiin shaqada tababare Nuno Espirito Santo kaas oo Wolves ka dhigay mid ka mid ah kooxaha ugu fiican premier League iyo yurub haatan.

Hadaba wargayska Daily Express ayaa soo bandhigay sida ay noqon karto shaxda Gunners hadii uu tababare Nuno Espirito Santo shaqada ka badalo tababare Emery.

Wargayska ayaa sheegay in uu tababare Nuno Espirito Santo dib ugu laaban doono kooxdiisa haatan ee Wolves kana soo qaadan doono 5 xiddig oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican Wolves.

Tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale badali doona qaab ciyaareedka 4-3-3 ee ay Gunners ku ciyaarsaysay sanadihii ugu dambeeyay isaga oo shaxda ka dhigaya 4-4-2.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo shaxda laga yaabo in ay Gunners ku ciyaarto hadii uu Nuno Espirito Santo noqdo tababaraha cusub ee Wolves.

How Arsenal could line up with five signings under Nuno Esprito Santo