Arsenal Oo Premier League Ka Heshay Badalka Tababare Unai Emery & Wakhtiga ay Tababaraha Reer Spain Shaqada Ka Caydhin Doonaan Oo La Ogaadeen.

1732

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba diyaarsatahay tababaraha ay doonayaan in ay u dhaqaaqayaan si uu badal ugu noqdo tababaraha haatan cadaadisku saaran yahay ee Unai Emery.

Tababaraha kooxda Wolves ee Nuno Espirito Santo ayaa ah tababaraha ay maamulak Arsenal u arkaan in uu noqdo badalka dhabta ah ee tababare Unai Emery.

Emery ayuu saaran yahay cadaadis xoogan kadib qaab ciyaareed xun oo ay kooxdu soo bandhigtay ilaa haatan xilli ciyaareedkan taas oo keentay in ay taageerayaashu dalbadeen in la caydhiyo.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay maamulka Arsenal tababare Emery u qabteen labada kulan ee Europa League iyo Premier League ee soo socda si uu u badbaadiyo shaqadiisa.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay maamulka Arsenal haatanba diyaarsadeen qorshe ay ugu dhaqaaqayaan tababare Nuno Espirito Santo hadii ay Shaqada ka caydhiyaan tababare Emery.