Raheem Sterling Oo U Tartami Doona Abaalmarinta BBC SPOTY 2019

1613

Xiddiga Kooxda Man City ee Raheem Sterling ayaa loo magacaabay U Tartamayaasha abaalmarinta qaaliga ah ee ay bixiso BBC-da ee SPOTY 2019 award.

Xiddiga garabka ka ciyaaray ayaa ka mid ah Liiska dad badan oo ka mid ah adduunka oo aan kaliya ahayn ciyaartoyo kubada cagta waxana codayn la qaban doonaa bisha soo socota iyada oo lagu qiimayn doono qaab ciyaareedkiisa sanadkan.

Dadka daawada Ama la socda BBC-da qaybeheeda kala duwan ayaa u codayn doona kadib markii uu xiddigu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay sanadkan haatan sii dhamaanaya.

Sterling oo 24 jir ah ayaa premier League markii 2-aad oo xidhiidh ah man City xilli ciyaareedkiii hore isaga oo sidoo kale naftiisa ka dhigay xiddigaha ugu fiican xulka qaranka England.

Laakiin Abaalmarintan ayaa sidoo kale lagu qiimeeyanayaa meelaha ka baxsan Garoomada kubada cagta iyo dhaqankiisa gaarka ah.

Sterling ayaa tartan adag kala kulmay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican ciyaarta Cricket-ka iyo waliba dad kale oo ciyaaraha kala duwan dheela.