Halka Arin Ee Ka Maqan Eden Hazard Ilaa Haatan Si Uu Uu U Noqdo Xiddigaha Ugu Fiican La Liga Xilli Ciyaareedkan

1553

Waxa laga yaabaa in ay ku qaadato wakhti in uu si buuxda ula qabsado Real Madrid Laakiin Eden Hazard ayaa ku soo laabanaya Eden Hazardkii la yaqaanay.

Xiddiga reer Belguim ayaa u muuqda xiddigii ay Real Madrid ka soo bixisay 100 milyan isaga oo soo bandhigay mid ka mid ah qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa Real Madrid hadii ay tahay Gambiska, samaynta fursadaha cusub iyo waliba soo bandhigista qaab ciyaareed cajiib ah.

Tayadaas ayaa ah kuwii uu Zidane ku jeclaaday Hazard markii uu doonayay in loo keeno kooxda taageerayaasha Real Madrid ayaa sidoo kale jeclaaday.

Waxa uu samaynayay horumar fiican todobaadyadii ugu dambeeyay isaga oo dib u helay Kalsoonida isaga oo tababare Zidane-na ka caawiyay in uu mucjiso ka sameeyo garoonka.

Halka Arin ee ka maqan ayaa ah Goolasha maadama uu kaliya hal gool u dhaliyay kooxda horyaalka La Liga ilaa haatan laakiin Zidane ayaa ku kalsoon in ay goolashu iman doonaan xilli ay taageerayaasha Los Blancos ku faraxsan yihiin xiddiga reer Belguim xitaa gool la,aantiisa.