Arsenal Oo Ku Xanaaq Furatay Chelsea+SAWIRRO

1714

Kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn ka baxday Abaarta guul la’aanta iyaga oo dhulka la dhacay kooxda chelsea kulan ka dhacay Emirates.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa bilow ilaa dhamaad ahaa dhinac kaliya iyada oo Arsenal dhulka ku jiiday kooxda chelsea kuwaas oo aad mooday in ay kaliya guuldaro u yimaadeen Emirates.

Kooxda Gunners ayaa bilowga ciyaartaba si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo fursado halis galiyay chelsea sameeyay.

Chelsea ayaa kadib la wareegtay ciyaarta iyaga oo maamulayay kubada laakiin Arsenal ayaa u diiday in ay xitaa goolkeeda u dhawaato iyaga oo si fiican u difaacday.

Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 34-aad dhalisay gooka 1-aad kadib markii ay rikoodhe heshay waxana u dhaliyay goolka xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Arsenal ayaa sii waday wacdaraha iyo samaynta fursadaha iyaga oo aan waxba ula hadhin kooxda chelsea xilli ay Blues ku dhibaatootayin ay xitaa gool ku laadaan goolka Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 44-aad sii dheeraystay hogaanka iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga Granit Xhaka kaas oo laad xor ah shabaqa dhex dhigay ciyaartana ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah kuna tumatay kooxda chelsea kuwaas oo aan qaab ciyaareed fiican soo bandhigin.

Qaybta dambe:

Chelsea ayaa la filayay in ay qaybta dambe soo bandhigto wax walba oo ay awoodo si ay ugu soo laabtaan ciyaarta

Laakiin Chelsea ayaan qaab ciyaareedkeeda waxba ka badalin Arsenal ayaana ahayd kooxda fiican ee kulanka ku jirta.

Daqiiqadii 56-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta kaas oo uu u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Chelsea ayaa sii waday dhibaatada iyo qaab ciyaareedka xun xilli ay Arsenal sii waday dadaalada ay ku doonayso in ay sii haysato natiijada

Daqiiqadii 85-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Tammy Abraham kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Kooxda Chelea ayaa cadaadis waali ah saartay kooxda Arsenal kuwaas oo iyagu bilaabay in ay difaacdaan natiijada ay ku horeeyaan.

Daqiiqadii 90+1-aad ayay Chelsea heshay rikoodhe laakiin waxa laga qabtay Jorginho Goolhaye Leno ayaana ciyaarta ku sii hayay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal gaadhay guusheedii ugu horaysay ee horyaalka premier League tan ilaa 1 bishii November.