Man City Oo Ka Taqalustay Newcastle United +SAWIRRO

1610

Man City ayaa guul muhiim ah waxa ay ka gaareen Newcastle United oo ay uga talaabsadeen laba gool oo nadiif ah .

Guud ahaan labadii qeyb ee ciyaarta waxaa kubadda haysatay Man City balse waxa ay ka sheegteen in ay si sax ah uga faa`ideystaan fursadaha ay abuurayeen .

Newcastle United waxa ay dhib ku qabeen in kubadda cagtooda ku daahdo xilli goolhayaha Newcastle goolal xaqiiq ahaa uu ka bad baadiyay ciyaartooyda City .

Heerka kubadda haysashada City waxa ay gaareysay %77 waxa ayna soo bandhigeen ciyaar deg degsiimo leh .

Newcastle waa ay ku adkeyd in weerar buuxa sameeyeen waxa ayna durba u soo biyo shubanayeen dhanka daafaca xilli isku dayo ay sameeyeen ay is hor taageen daafacyada City.

Labada gool ee ay City ku badisay waxaa kala saxiixay Ilkay Gundogan kaasi oo dhaliyay daqiiqaddii 14-aad halka kan labaad uu saxiixay Ferran Torres daqiiqadii 55-aad.