West Bromwich Albion oo dhamaadkii ciyaarta bar bar dhac ku qabatay Liverpool+SAWIRRO

1598

West Bromwich Albion ayaa dhamaadkii ciyaarta bar bar dhac ku qabatay Liverpool ka dib ciyaar guud ahaan maamulkeeda ay haysteen wiilasha tababare Klopp

Qeybta hore ,guud ahaan kubadda waxaa haysatay Liverpool kuwaasi daqiiqaddii 12-aad helay goolka xilligaas oo uu saxiixay Salah ka dib caawin uu ka helay Matip .

West Bromwich Albion qeybtaas , jaliya waxa ay ku jireen difaac waana adkeyd in sax ah ugu soo dhaqaaqaan afka hore xilli wiilasha Klopp kaliya qeybtaaas ska maqneyd goolal dheeraad ah .

Qeybtaas hore mararka qaar heerka kubad hayshada Liverpool waxa ay gaareysay %85 balse West Bromwich Albion daafc ahaan ayay u wacnaayeen

Qeybta labaad , kooxda martida dhaq dhaqaaq ayay sameynayeen waa ayna ka wacnaayeen xaalkii qeybtii hore balse halis gilin ma aysan sameyneyn inkastoo kubadda ay soo gaarsiinayeen aagga Liverpool.

Liverpool , inkastoo qeybta labaad kubad hayshada ay aad ugu wacnaayeen hadana halis gilin ma aysan sameyneyn xilli dadaal ugu jireen in gool labaad helaan , waxaana kooxdaas daqiiqaddii 60-aad dhaawac muruqa ah uga baxay Matip waxaana xilligaas lagu soo badalay Williams

West Bromwich Albion kaliya hal mar ayay toos u gaareen goosha Liverpool waxaana waqtigaas fursad gool ka bad baadiyay goolhayaha Liverpool waxa ayna aheyd daqiiqadii 71-aad.

Xili heerka kubad haysashada Liverpool ay gaareysya qeybta labaad %79 hadana West Bromwich Albion waxa ahaayen geesayaal ay ka go`neyd goolka bar bar dhaca illaa ay keeneen daqiiqadii 82-aad waxaana si cajiib ah madaxa ugu dhaliyay Semi Ajayi ka dib kubad loo soo qajafeeyay

Ka dib goolkaas , Liverpool cadaadis ayay saareen kooxda martida kuwaasi oo daafac ahaan foojignaa waliba ku tiirsanaa kubadaha rogaal celiska ah