Liverpool Oo Guul Qaali Ah Ka Gaadhay Aston Villa+SAWIRRO

211

Kooxda Liverpool ayaa guul raaxo leh ka gaadhay kooxda Aston Villa kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier League.

Reds ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah.

Daqiiqadii 3-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Dominik Szoboszlai isaga oo gool qurux badna u dhaliyay kooxdiisa.

Liverpool ayaa si buuxda ula wareegtay ciyaarta waxana ay doonayeen in ay dilaan ciyaarta si ayna Aston Villa ugu ogolaan in ay ku soo laabato ciyaarta.

Daqiiqadii 22-aad ayay Liverpool heshay gooka 2-aad waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Mattu Cash kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Liverpool ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool hogaaminayso isla markaas tahay kooxda fiican.

Qaybta dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilabaatay waxana ay doonaysay in ay dhaliso goolal kale.

Daqiiqadii 55-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamatay ciyaarta oo ay Liverpool gaadhay guul muhiim ah ka hor fasaxa xulalka.