Xulka Qaranka Nigeria Oo Iska Xaadiriyay Semi-Finalka Koobka Africa +SAWIRRO

1816

Kadib kulan xiiso leh oo dhex maray xulalka Nigeria iyo South Africa waxa Semi-finalka koobka qaarada Africa iska xaadiriyay xulka qaranka Nigeria kadib markii uu guul ka gaadhay xulka South Africa.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada xulkba dhiiga u shubayeen sidii ay ciyaarta guul uga gaadhi lahaayeen iyaga oo ciyaarayay weeraro isku jawaabid ah oo ayna waxba iskula hadhay.

Xulka qaranka Nigeria ayaa daqiiqadii 27-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Samuel Chukwueze kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 uu xulkiisu ku hogaaminayo.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka Nigeria hal lug la galay Semi-finalka taranka Koobka Africa laakiin ay wali ciyaartu furantahay wax walbana dhici karaan.

Qaybtii dambe yay labada xul si cajiib ah ku biloween xilli ciyaaredka iyaga oo raadinayay in ay wax ka badalaan natiijada ciyaarta waliba dhaliyaan gool.

Daqiiqadii 71-aad ayuu xulka South Africa Dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta ahna goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bongani Zungu kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Ciyaarta ayaa intaas kadib u muuqatay mid 30 daqiiqo oo dheeri ah lagu darayo si ay labada xul u kala baxaan laakiin daqiiqadihii ugu dambeeyay ayay wax is badaleen.

Daqiiqadii 89-aad ayuu xulka Qaranka Nigeria wadnaha gooyay xulka South Africa kadib markii ay dhaliyeen goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga William Troost-Ekong kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Nigeria iska xaadiriyay Semi-finalka tartanka koobka qaarada Africa siina waday riyadiisa ku guulaysiga tartanka sanadkan.