Man City Oo Si Lama Filaan AH Wadahadalo Ula Qaadatay Sporting Lisbon

1669

Inkasta oo si weyn loola xiriirinayay kooxda Man United hadana Bruno Fernandes Ayaa wadahadalo la qaatay kooxda Man City todobaadkan sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Dalka Portugal.

Man United ayaa wali hogaanka u haysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes inkasta oo ay Man City wadahadalo la qaadatay kooxda Sporting Lisbon todobaadkan.

Kooxda Man City ayaa kor u qaaday dadaalka ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer portugal si ay ugu dhisaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Wararka ka imanaya Portugal ayaa sheegaya in uu Bruno Fernandes wadahadalo la qaatay kooxda Man City kuwaas oo doonaya in ay United ku garacaan saxiixiisa.

Bruno Fernandes ayaa ah xiddig si weyn looga hadal hayo suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo ay kooxo badan oo premier League ah ku raad joogaan saxiixiisa.

Kooxda saddexda koob ku guulaystay ee Man City ayaa wadahadalo la qaadatay Madaxweynaha kooxda Sporting Lisbon ee Frederico Varandas Kaas oo ay leeyihiin xiriir fiican.

Wargayska Correio da Manhã ayaa sheegaya in ay kooxda Man City ka faa,iidaysanayo xiriirka ay la leeyihiin kooxda Sporting Lisbon si ay ula saxiixdaan xiddiga Fernandes xagaagan.

Wargayska Correio da Manhã ayaa sheegaya in City haatanba laga diiday dalab dhan 45 Milyan oo euro iyada oo Sporting Lisbon u sheegtay in ay bixiso 70 milyan oo euro.

Wargayska reer Portugal ayaa sheegaya in ay Man United wali hogaanka u hayso tartanka si ay kooxda ugu dhisaan xilli ciyaareedka dambe uguna tartamaan premier League.

Laakiin xiriirka Fiican ee ay Man City la leedahay Sporting ayaa ka caawin doona in ay Dhigooda Man United ku garacaan saxiixa Xiddiga khadka dhexe ku fiican.