Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga Mohamed Salah ka hor kulanka Champions League ee ay la ciyaari doonaan kooxda Napoli.
Liverpool ayaa Arbacada marti galin doonta kooxda Napoli kulan ka dhici doona Anfield kana tirsan kulankii 5-aad ee wareega 16-ka.
Moamed Salah ayaa ka maqnaa 3-dii kulan ee ugu dameeyay ee xulka qarankiisa iyo waliba Liverpool sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay.
Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa uu ahaa mid fiican tababarkii ugu dambeeyay, waxa uu maanta si fiican u qaatay tababarka shalay wax tababar badan ah ma qaadan laakiin waan eegi doonaa waxa dhaca wakhtiga soo socda”.
“Wax wal-Wal ah kama qabo Xaalada Mohamed Salah”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.