RASMI: Kooxaha Ilaa Haatan Iska Xaadiriyay Wareega 16-ka Champions League

1750

Tartanka champions League ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo ay kooxaha reer yurub haatan u dagaalamayaan sidii ay isaga xaadirin lahaayeen wareega 16-ka tartanka ugu tunka weyn yurub.

Waxa la ciyaaray xalay qayb ka mid ah kulamadii 5-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso iyo xamaasad leh.

Kooxaha iska xaadiriyay wareega 16-ka ayaa sii kordhaya iyada oo ka hor kulamadii xalay kaliya 3 kooxood oo kala ah PSG, Bayern Munich iyo Juventus u soo bexeen wareega xiga.

Laakiin xalay kadib kulamadii la ciyaaray waxa ku biiray kooxo kale kuwaas oo haatan kaliya isku diyaarin doona wareega 16-ka inkasta oo ay min hal kulan u hadheen.

Waxa sidoo kale xalay booskooda wareega 16-ka xaqiiqsaday 3 kooxood oo kale kuwaas oo horay ugu biiray kooxihiis 3-da ahaa ee horay ugu soo baxay.

Halkan Hoose Kaga Bogo 6-da kooxood ee ilaa haatan u soo baxay wareega 16-ka

  1. PSG
  2. Real Madrid
  3. Bayern Munich
  4. Tottenham
  5. Man City
  6. Juventus