Warbixin Laga Helay Xaalada Eden Hazard Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Kulankii PSG, Miyuu Taam U Noqon Karaa Kulanka El Clasico

1723

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay kooxdiisu bar-baraha 2/2 ah la gashay kooxda PSG Waxana uu si toos ah u Aaday dhakhtarka si uu u maro tijaabo.

Xiddiga reer Belguim ayaa awood u yeeshay in uu lugtiisa ku socdo kadib dhaawac ka soo gaadhay kulanka qaybtii dambe ee ciyaarta kaas oo markii hore u muuqday dhaawac halis ah.

Hazard ayaa dhakhtarka yimid subax hore oo saaka ah waxana uu yimid dhakhtarka isaga oo Biro ku boodaya laakiin waxa uu si caad ah ugu istaagi karaa lugtiisa sida muujisay mar uu taageere sawiro la galayay.

Dhanka kale idaacada Cadena SER ayaa sheegtay in uu Eden Hazard taam buuxa u noqon doono kulanka El Clasico ee dhici doona bartmaha bisha dambe ee December.

Eden Hazard ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah inkasta oo uuna dhalin wax gool ah hadana waxa uu ahaa xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta intii uu ku jiray.

Image

Image