Real Madrid Oo Ku Qasabanaatay In Ay Bixiso Lacag dhan 250 kun Oo Kadib Bar-Barihii Ay La Galeen PSG & Sababta Oo La Ogaaday

1617

Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro la gashay kooxda PSG Salaasadii kulan ka dhacay Santiago Bernabue kana tirsanaa kulankii 5-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League.

Wargayska Defensa Central ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid 250 oo Gini jeebka ugu shubtay kooxda reer Uruguay ee Peñarol kadib markii uu da,yarka Federico Valverde kooxda Real Madrid u ciyaaray kulankii 20-aad ee Tartamada oo dhan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Federico Valverde xilli ciyaareedkii hore saftay 25 kulan oo ay 11 ka mid ahaayeen kulamada xulalka waxana uu xilli ciyaareedkan ciyaaray 9 kulan,

Arintaas taas ayaa keentay in ay Real Madrid kooxda Peñarol siiso lacag dhan 250 kun oo Gini kadib markii ay sanadkii 2015 kala soo wareegtay xiddiga Valverde.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay  Los Blancos sii wadi doonto siinta lacagta kooxda reer Uruguay sabab la xidhiidha heshiis  ay labada kooxood isla meel dhigeen.