Neymar Oo doonaya In Uu Isaga Tago PSG Xagaagan

1653

Xiddiga Kooxda PSG ee Neymar ayaa ka fikiraya in uu isaga tago kooxda PSG inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan sida ay sheegayaan wararka.

Wargayska Telefoot ayaa sheegaya in ay jirto niyad uu xiddiga reer Brazil ku doonayo in uu isaga tago kooxda PSG hadii agaasimaha haatan ee Antero Henrique lagu badalo Leonardo.

Neymar ayaa ku jira xaalad adag sabab la xidhiidha dhaawacyo is daba jooga ah oo sabab u noqday in uu seego koobka Copa America ee ka dhici doona xagaagan dalka Brazil.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Leonardo Noqdo agaasimaha cusub ee kooxda PSG shaqadana ka badalo Antero Henrique wax walba u samayn doono sidii uu uga tagi lahaa kooxda xagaagan.

Neymar ayaa diirada u saaran kooxaha ugu waaweyn kubada cagta oo ay ugu horeeyaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo doonaya adeegiisa inta lagu jiro xagaagan.

Sidaas darteed Neymar ayaa arintaas u isticmaali doona sidii uu kooxda PSG ugu qasbi lahaa in ay iibiyaan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.