Hordhac: Chelsea Vs West Ham: Blues Oo Doonaysa In Ay Ku Soo Laabato Wadada Guulaha

1678

Kooxda Chelsea ayaa marti galin doonta kooxda West Ham kulan ka tirsan todobaadkii 14-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Stamford Bridge.

Blues ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ayna wax guul ah gaadhin 2-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan kadib guuldaro ka soo gaadhay City horyaalka iyo bar-barihii ay la galeen Valencia.

Dhanka kale West Ham oo guuldaro kala kulantay Tottenham ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha horyaalka premier League.

Kulanka: Chelsea Vs West Ham

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA”

Chelsea ayaan guuldaro kala kulmin 13 kulan oo ay garoonkeeda ku marti galisay kooxda West Ham horyaalka premier League tan ilaa markii ay guuldaro kala kulmeen markii ugu dambaysay September 2002.

West Ham ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay chelsea ku booqatay garoonkeeda kaas oo ahaa December 2017.

Kulankan ayaa noqon doona midkii 250-aad ee premmier League ee London Derby Blues ayaana gaadhay kulamada ugu badan ee taariikhda tartanka kulamada Derby ee premier League.

Kadib markii ay ku fashilmeen in ay guul gaadhaan 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee garoonkeeda ay ku ciyaartay horyaalka chelsea ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League.