Dood adag oo ka dhalatay ciidamada Itoobiyaan ah ee la geeyay Dhuusa-Mareeb

1605

Dood adag ayaa saacadihii ugu danbeeyay qabsatay baraha Bulshadu ku wada xiriiraan oo ku saabsan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya oo la sheegay in la geeyay degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud.

Qoraal shalay ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in deegaannnada Dowladda Federaalka ay ciidamada Itoobiya ku daabuleysay ka mid tahay degmada Dhuusa-Mareeb oo dhawaan la filayo in lagu doortay Baarlamaanka iyo hoggaanka cusub ee Galmudug, waxaana ay dowladda Federaalka ku eedeeyeen in ay isticmaaleyso ciidamo Itoobiyaan ah oo aan aheyn kuwa ka tirsan howlgalka Midowga Africa AMISOM.

Laakiin markii uu Qoraalka soo baxay waxaa ka hor yimid oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran, isaga oo sheegay in Dhuusa-Mareeb aysan joogjin ciidamo aan aheyn kuwa AMISOM.

Xidhibaanka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee hadda jooga Dhuusa-Mareeb horay u sii joogeen iyaga oo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM waxaana ku wehliya ciidamo ka socda Jabuuti oo dhamaantood kala shaqeynaya ciidamada dowladda Soomaaliya sugida nabad-galyada deegaannada Galmudug.

Laakiin dhinaca kale marka aad eegto xildhibaan Maxamed Xusseen Odawaa oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa bartihiisa Facebooka soo dhigay in Dowladda Soomaaliya qorsheyneyso in doorashada Galmudug u adeegsato ciidamo Itoobiya ah si la mid ah sidii ka dhacday magaalada Baydhabo waa sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Odawaa.

“Madaxweynaha markii uu doorashada raadinaayay wax ugu wayn ee uu ku soo ganbaday waxa ay aheyd inuu wax ka qabanayo faragalinta Ethopia ay Soomaliya ku hayso.
Madaxweynuhu maba daahin ee markuu xilka qabsadayba waxa uu si aan xishood laheyn u billaabay in uu dadka Soomaliyeed ku cabburiyo ciidamada dowladda Ethopia” ayuu yiri Musharax Xildhibaan Maxamed Xuseen Odawaa.

“Mudane Madaxweyne waxaa Youtube-yada ka buuuxa warkaagii shalay, dhaqankaaga maantana cid walba waa arkayasaa, waxaan kuugula talin lahaa inaad is daba qabato, nama cabsi galinayaan ciidamada aad Dhuusamreeb ku sii daabulayso, dadka reer Galmudug na ma aha kuwa baqdin galinta wax looga helo”
Waxaa xildhibaan Odawaa ku raacay dooddiisa ku saabsan in ciidamo Itoobiyaan loo adeegsanayo doorashada Galmudug xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in arintaa aysan cidna ka qarsooneyn.

Dhamaan xildhibaannadan ayaa ka soo jeeda deegaannada Galmudug waxaana xusid mudan in Xildhibaan Cabdixakiin Macalin oo ka hor yimid Qoraalkii ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran uu xoghaye Guud u yahay Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamyo Shariif Sheekh Axmed oo ay dowladda siweyn isku hayaan.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka oo la xiriira eedeymahan loo soo jeedinayo ee ah in ay ciidamo Itoobiyaan ah u adeegsaneyso doorashada Galmudug.