Xildhibaan beeniyay in Ciidamo Itoobiyaan ah la geeyay Dhuusamareeb

1685

Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed Maalin oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran oo qeyb ka ah Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa beeniyay in magaalada Dhuusamareeb ay soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn howlgalka AMISOM.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Ciidanka Itoobiya ay horay u joogeen Magaalada, islamarkaana ay qeyb ka yihiin Ciidanka AMISOM ee ku sugan Garoonka Magaalada Dhuusamareeb.

Hadalka Xildhibaan oo Muuqday difaac ku aadan Xukuumadda Soomaaliya oo guud ahaan la wareegtay doorashooyinka Galmudug ayaa hubsiimo xumo ku eedeeyay Madasha uu ka tirsan yahay.

“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wadaago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciidama Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn”ayuu yiri Xildhibaan C/xakiin Maalin.

“Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo kuwa Ethopia oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn sadax bilood, hayeeshee ciidamadaasi waxay ka wada tirsanyihiin AMISOM. Waana ay dhacdaa in ciidamadu ay sameeyaan dhaqdhaqaaq xagga kalabadalka ciidanka ama logisticada ah”ayuu hadalkiisa ku daray.