Nabadoono lagu xir xiray Puntland

1509

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ammaanka Magaaladaasi ay xireen xubno ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee sidda weyn looga yaqaano Boosaaso.

Ciidamadda Ammaanka Boosaaso ayaa xirey Laba nabadoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax kuwaas oo horey u dhaliiley maamulka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani.

Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Deni ayay ku eedeeyeen in ay ka gaabisay fulinta balan-qaadyadii waqtiga doorashada, sidaas oo kale waxay ku sifeeyeen mid doonaysa in ay dalka u afduubto dalal Shisheeye iyo shirkado aan la aqoonin waxay yihiin.

Odoyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka soo horjeedan, Heshiiska DP world iyo garoonka diyaaradaha Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka, sida ay hadalka u dhigeen.