Daawo : Qaabkii Uu Luka Modric Lionel Messi U Gudoonsiiyay Abaalmarinta Ballon d’Or

1874

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or isaga oo ku guulaystay abaalmarinta markii 6-aad ee taariikhdiisa.

Lionel Messi ayaa abaalmarinta ka badalay xiddiga Luka Modric kaas oo ku guulaystay abaalmarinta sanadkii hore waliba noqday xiddiga ugu fiican adduunka sanadkii 2018.

Majalada ayaa soo kordhisay xeer cusub oo ka duwan kuwii sanadihii hore oo abaalmarinta ay xiddigaha gudoonsiin jireen madax kubada cagta ah.

Sanadkan waxa abaalmarinta gudoonsiinayay xiddigaha kuwii kaga horeeyay ee ku guulaystay abaalmarinta.

Sidaas darteed Messi waxa gudoonsiiyay abaalmarinta Ballon d’Or-ka xiddiga Luka Modric oo ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka.

Hadaba halkan hoose ka daawo qaabkii uu Luka Modric u gudoonsiiyay Lionel Messi abaalmarinta Ballon d’Or-ka.