Arsenal Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalka Tababare Freddie Ljungberg, Maxaa Soo Kordhacy?

1831

Kooxda Arsenal ayaa go’aamisay in uu tababare Freddie Ljungberg sii ahaan doono tabaabraha kooxda ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan sida uu sheegay khabiirka kubada cagta yurub ee Gabriele Marcotti.

Freddie Ljungberg ayaa shaqada si ku meel gaadh ah uga badalay Unai Emery kadib markii ay kooxdu shaqada ka caydhisay tababaraha reer Spain xilli ay Arsenal bilowday raadinta tababare cusub.

Si kasta ha ahaatee Khabiirka ee Marcotti ayaa sheegay in ay Arsenal haatanba qorshaynaysa in ay Freddie Ljungberg ku sii hayso kooxda ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddigii hore ee Arsenal ayaan wali hogaamin koox laakiin waxa uu muddo bilo ah la shaqeeyay kooxda 1-aad ee Arsenal markii uu caawiyaha u ahaa Unai Emery.

Tababarayaal badan oo fiican ayaa lala xidhiidhinayaa shaqada tababaranimo ee Arsenal iyada oo uu u jiro tabbaraha Arsenal ee Unai Emery.

Laakiin Marcotti ayaa sheegay in uuna jirin tababare haatan qaban doona Arsenal inta lagu jiro xilli ciyaareedkan sidaas darteed Arsenal ayaa diyaar u ah in ay tababare Ljungberg  sii haysato ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.