Dib U Eegid: Sadio Mane Oo Qabtay Shaqo Ay Michael Owen & Luis Suarez U Qabteen Liverpool

1651

Kooxda Liverpool ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkii 13-aad ee tartanka.

Goolal ay dhaliyeen Sadio Mane iyo Roberto Firmino ayaa Reds ka caawisay in ay gaadho guul muhiim ah oo ay ka gaadheen Crystal Palace.

Kadib goolka uu dhaliyay Sadio Mane xiddiga reer Senegal ayaa qabtay shaqo ay xiddigaha Michael Owen & Luis Suarez u qabteen kooxda Liverpool.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Sadio Mane aya ah xiddiga 3-aad ee Liverpool ah ee 5 kulan oo xidhiidh ah gool ka dhaliyay horyaalka premier league.

Labada xiddig ee kale ee sidaas u sameeyay Liverpool ayaa kala ah Michael Owen & Luis Suarez oo min 5 kulan oo xidhiidh ah ka dhaliyay kooxaha Newcastle iyo Norwich City.