Arsenal Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulantay Kooxda Southampton & Gunnar Oo Sii Wada Luminta Dhibcaha.

1602

Kooxda Arsenal ayaa wali sii wada natiijooyinkii xumaa ee ay keenaysay horyaalka premier League kadib markii ay bar-baro la gashay kooxda Southampton kulan ka dhacay Emirates.

Kulanka ayaa ahaa mid ay kooxda Arsenal soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u liita oo aan ahayn mid u qalma magaca kooxda iyaga oo ku dhibaatooday in ay joojoyaan kooxda Southampton.

Southampton ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ahaa iyaga oo kooxda Arsenal ku qaadayay weeraro roogaal celis ah oo aan kala joogsi lahayn.

Kooxda Southampton ayaa daqiiqadii 8-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Danny Ings kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kooxda Arsenal ayaa bilowday raadinta goolka bar-baraha iyaga oo kooxda Southampton ku qaadayay weeraro halka ay kooxda martida ahyd qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Arsenal ayaa daqiiqadii 18-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa kana dhigay bar-baro 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro inkasta oo labada kooxood dhalin kareen goolal intaas ka badan.

Qaybtii dambe ayay Southampton ku soo gashay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay in ay sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta waliba dhaliyaan goolka kale.

Daqiiqadii 71-aad ayay Southampton dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga James Ward Prowse kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Southampton ciyaarta ku hogaaminayso.

Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 90+6-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta ahaana goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo kooxdiisa ka badbaadiyay guuldaro lama filaan ah.