Tababaraha Tottenham oo Ooyin jabsaday kaddib Mucjisadii ay xalay kooxdiisa ku soo baxday +SAWIRRO

1844

ababaraha Tottenham Mauricio Pochettino ayaa ooyin jabsaday kaddib mucjisadii ay xalay kooxdiisa ku soo baxday.

Spurs oo lugtii hore ee Semi final mininkeeda looga soo adkaaday 1-0, ayaa misane 2-0 lagu qabtay qeybta hore ciyaartii xalay ka dhacday dalka Holland.

Lucas Moura wiilka reer Brazil ayaa meel uga soo baxay isagoona dhaliyay labo gool oo deg deg ah, dabadeedna raacsaday goolkiisa saddexaad seeriga oo afka lagu hayo.

Waa markii ugu horreysay taariikhda ay Tottenham soo gaarto Final, Tababare Pochettino ayaana farxad dartii la ooyay oo la aamusan waayay.