Shaxda Laga Yaabo In Ay Man City Kaga Hor Tagto Shakhtar Donetsk

2757

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayay ka maqnaan doonaan dhwr xiddig oo muhiim ah oo kooxda 1-aad ah marka ay la ciyaari doonaan kooxda Shakhtar Donetsk kulan ka tirsan champions League.

Xiddigaha Sergio Aguero, Rodri & David Silva ayaa dhamaantood dhaawac uga baxay kulankii sabtidii ay guusha ka gaadhen kooxda Chelsea waxana la xaqiijiyay in ay labada xiddig ee Aguero iyo Rdri seegi donaan kulamo dhawr ah.

Halka xiddiga khadka dhexe ee David Silva La filayo in uu kulankan caawa kaliya ka maqnaan karo shaxda kooxdiisa Man City.

Xiddigaha Oleksandr Zinchenko, Aymeric Laporte & Leroy Sane ayaa sidoo kale wali dhaawacyo ugaga sii maqnaan doono kooxda Tababare Guardiola.

Laakiin tababaraha reer Spain ayaa haysta xiddigo fiican oo uu ka soo xulan karo shaxda uu caawa kaga hor tagi doono kooxda reer Ukrine.

Guardiola iyo wiilashiisa ayaa kulanka soo galaya iyaga oo kaliya u baahan bar-baro si ay ugu soo baxaan wareega xiga sidoo kale doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib bar-barihii ay la gashay Atalanta.

Shaxda laga yaabo in uu Guardiola ku soo galo kulanka:

Man City team news predicted line up Shakhtar