Shaxda Laga Yaabo In Ay Juventus Caawa Kaag Hor Tagto Atletico Madrid, Miyuu Ronaldo Soo Laaban Doonaa?

2081

Cristiano Ronaldo ayaa la filayaa in uu ku soo laabto shaxda Juventus kulanka caawa ay kooxdiisu marti gali doonto kooxda Atletico Madrid kulan adag oo ka dhici doona garoonka Juventus Staduim.

Cristiano Ronaldo ayaa badal lagu sameeyay labadii kulan ee ka horeeyay fasaxa xulalka halka uu gabi ahaan seegay kulankii kadib fasaxa xulalka ee sabtidii ee ay Juventus la ciyaartay Atalanta.

Laakiin Ronaldo ayaa la filayaa in uu kulanka caawa weerarka la hogaamiyo xiddiga wacadaraha dhigaya xilli ciyaareedkan ee Haguain kaas oo 2 gool dhaliyay kulankii sabtidii.

Xiddiga khadka dhexe ee Aaron Ramsey ayaa ka ciyaari doona No.10 kadib markii uu qaab fiican laftiisu soo bandhigay kulankii xulka qarankiisa ee Is reeb-reebkii Euro 2020.

Kooxda Juventus oo wakhti hore xaqiiqsatay u soo bixista wareega 16-ka ayaa kulanka soo galaysa in ay sii wadato guulaha ay tartanka ka gaadhayso.

Juventus team news predicted line up Atletico