Antonio Rudiger Oo Isaga Tagi Doona Chelsea

1401

Daafaca kooxda Chelsea Antonio Rudiger ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sii dhawaanayo in uu si xor ah ugu biiro kooxda Real Madrid xagaaga dambe.

Xiddiga 28 jirka ah ayay heshiiskiisa Real Madrid uga hadheen wax ka yar 7 bilood waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Chelsea.

Sida laga soo xigtay Independent, Rudiger walaalka ahna walaalka Rudiger, Sahr Senesie ayaa wadahadalo la yeeshay kooxda Real Madrid todobaadyadii la soo dhaafay iyada oo labada dhinac gaadheen heshiis afka ah oo kama dambays ah taas oo keenaysa in uu xiddiga reer Germany qaab xor ah ugu biiro Los Blancos xagaaga dambe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in labada kooxood ee Premier League ee Manchester United iyo Tottenham Hotspur ay sidoo kale muujiyeen xiisaha ay u qabaan saxiixa Rudiger; si kastaba ha ahaatee, daafaca dhexe ayaa doorbidaya inuu u dhaqaaqo Santiago Bernabeu.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay daafac dhexe oo cusub ku darto kooxdeeda suuqa soo socda kadib markii ay wayday xiddigaha Sergio Ramos iyo Raphael Varane xagaagii hore.