DAAWO:-RB Leipzig oo garaacday Man City+SAWIRRO

1681

Kooxda RB Leipzig  ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaartay Man City oo marti ugu aheyd kulanka ugu dambeeya ee wareegga Group-yada Champion-ka

Kooxda reer Jarmal waxa ay soo bandhigeen kubad wada jir ah dhan walibana ka dhameystiran halka daafaca City kulankaan maqane  jooge ahaayeen

Daafaca ayaa u sabab  ahaa labada gool ee  City ka dhashay oo si ka bad badis ah ayay afka hore ugu soo dhaqaaqeen xilli dhankooda  goosha ay heleen daqiiqadii 76-aad uu u saxiixay R. Mahrez

City waxa ay kulankaan ka sheegteen in ay la yimaaadaan xal afka hore ah maadaama kooxda reer Jarmal ay daafac ahaan aad u foojignaayeen.

City waxaa kaarka cas dhamaadkii ka qaatay K. Walker kaasi oo daqiiqadii 80-aad kaarka casaanka tooska ah loo taagay , sidaas oo ay tahay City waa ku wacnaayeen mararka qaar kubad hayshada .

Arinta kooxda Jarmal caawisay ayaa ah kubad deg degsiimo leh oo ay ciyaarayeen halka halista kubadoodana ay ka socotay garbaha, waa guul daradii labaad ee waregega Group-yada Champion-ka ee ay City xilli ciyaareedkaan la kulmeen.