Tottenham oo gaartay Finalka ugu horeyay taariikhda Champions league +SAWIRRO+VIDEO

1778

Ajax ayaa biliwgii hore ee ciyaartaba ku soo gashay dar dar xoogan iyaga oona la yimid goolka koowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey kabtankooda de Ligt daqiiqadii 5 aad ee ciyaarta.

Kooxda Tottenham ayaa u muuqatay mid iska soo bar-bareen karta goolka laga dhaliyey madaama ay ubuureen fursado dhowr ah oo gool loo filan karay, balse uma suurta galin in fursadahaan ay ka faa’ideystaan.

Nasiib wanaag mar kale kooxda Ajax ayaa la timid goolkii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 35-aad waxaana u dhaliyey xidiga reer Morocco ee Ziyech kaddib caawin uu ka helay Tadic.

Ugu dambeen Garsoorka ayaa soo gabab gabeeyey qeebtii koowaad ee kulan, waqti nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan.

Kooxda Tottenham oo talooyin wax ku ool ah ka soo qaatay macalinkooda ayaa ku bilaabatay dar dar xoogan qeebtii dambe ee ciyaarta iyaga oona la yimid labo gool oo deg deg ah.

Xidiga reer Barazil Moura ayaa soo nooleeyey rajadii Kooxda Tottenham kaddib markii uu dhaliyey labo gool oo cabsi badan ku abuuray taageerayaasha kooxda Ajax.

Daqiiqadihii 55-aad iyo 59-aad ayey yimaadeen goolasha uu dhaliyey Moura, waxii ka dambeyeyna Spurs ayaa la wareegtay gacan ku heenta kulanka.

Dadaalo badan oo ay sameeyeen Kooxda Tottenham ayaa ugu dambeen heshay goolkii sedexaad ee ciyaarta waxaana mar kale shabaqa gaaray Moura oo suurta giliyey in Tottenham ay gaarto Finalkii ugu horeeyey ee taariikhaha.

Ugu dambeen kulanka ayaa ku soo idlaaday 3-2 oo ay ku adkaatay kooxda Tottenham balse wadarta labada kulan ayaa ka dhigeysa mid garbo siman oo 3-3 ah.