Dib U Eegid:Arsenal Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Xun Oo Ay 22 Sano Ka Hor Dhigtay

1627

Kooxda Arsenal ayaa boodhka ka jaftay rikoodh xun kadib bar-barihii niyad jabka lahaa ee ay la gashay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa todobaadkii 13-aad ee horyaalka premier League.

Gunnars ayaa ka badbaaday guuldaro lama filaan ah oo ka soo gaadha kooxda Southampton kadib markii ay ku qabteen bar-baro 2/2 ah kulan ka dhacay garoonka Emirates.

Kadib bar-barahaas kooxda Arsenal ayaa boodhka ka jafatay rikoodh xun oo ay tartamada oo dhan ka dhigtay sanadkii 1998 kaas oo ah in ayna wax guul ah gaadhin 6-dii kulan ee ugu dambeeyay markii ugu horaysay tan ilaa wakhigaas.

Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta 7-aad ee kala saraynta iyaga oo leh kaliya 18 dhibood kadib bar-barihii kulankii maanta.