RASMI: Fabinho Oo Seegi Doono Kulanka Liverpool Ee Brighton, Sabab

1582

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Fabinho ayaa seegi doona kulanka ay kooxda Liverpool la ciyaari doonto kooxda Brighton kana tirsan horyaalka premier League todobaadka dambe.

Kooxda Liverpool ay sabtida dambe Anfield ku marti galin doonta kooxda Brighton kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadka 14-aad ee tartanka.

Xiddiga reer Brazil ayaa kulankaas ku seegi doona ganaax kadib markii uu qaatay kaadhkii 5-aad ee digniinta ahaa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Fabinho ayaa kaadhka digniinta ah qaatay kulankii Crystal Palace gaar ahaan daqiiqadii 54-aad isaga oo sidaas ku qaatay kaadhkii 5-aad ee horyaalka Premier League.