Barcelona Oo Inter Milan ka Reebtay Champions League+SAWIRRO

2078

Kooxda Barcelona ayaa garaacday Inter Milan kulan ka tirsanaa kulankii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan xilli Inter ahayd kooxda fiican ciyaarta.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo kooxda Inter Milan wax walba u samaysay sidii ay guusha u gaadhi lahayd laakiin ay u suurtagali wayday in ay dhaliso goolal.

Kooxda Barcelona ayaa ku hor martay goolka iyaga oo uu daqiiqadii 23-aad u dhaliyay xiddiga da,yarka ah ee Carles Perez kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kooxda Inter Milan ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin waxa ay daqiiqadihii hore u suurtagali wayday in ay dhaliyaan goolka.

Daqiiqadii 44-aad ayay kooxda Inter Milan dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Romelu Lukaku kaas oo kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta kana dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro laakiin kooxda Inter Milan aad uga fiicnayd kooxda Barcelona.

Qaybtii dambe ayay Inter Milan ahayd kooxda kaliya ee ciyaaraysay iyada oo gabi ahaan la waayay xilli ay wiilasha Conte doonayeen in ay dhaliyaan goolka guusha.

Kooxda Inter Milan ayaa dhalisay 3 gool laakiin dhamaantood looga diiday Offside ay ku jireen halka Romelu Lukaku kooxdiisa ka khasaariyay fursado la yaab leh.

Xilli ay Inter Raadinaysay Goolka guusha ayay Barcelona daqiiqadii 87-aad kaga naxsatay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ansu Fati kaas oo dilay Rajadii Inter ee champions league.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona ku noqotay kooxdii ugu horaysay ee Inter ku garaacda garoonka San Siro champions league.