Man United Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Isaga Hadhayso Baacsiga Ay Ugu Jirto Mario Mandzukic & Sababta Oo La Ogaaday

1619

Gudoomiye ku xigeenka kooxda Man United ee Ed Woodward ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu iska dhaafo saxiixa weeraryahanka Mario Mandzukic ee suuqa January si uu diirada u saaro soo xero galinta xiddiga wacdaraha dhigaya ee Braut Haaland.

Wargayska Express Sport ayaa sheegtay xagaagii in ay Man United wadahadalo la qaatay kooxda Juventus si ay u hesho saxiixa Mandzukic laakiin heshiiska ayaan dhicin.

Weeraryahanka Juventus ayaan kooxdiisa Juventus u ciyaarin wax kulan ah xilli ciyaareedkan isaga oo doonaya in uu isaga tago kooxda Ku ciyaarta Turin marka la gaadho suuqa January.

Mandzukic ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Man United kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga kadib markii ay kooxdu suuqii xagaaga iska fasaxday Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez waliba aan u dhaqaaqin badalkiisa.

Shabakada Caalamiga ah ee Goal.com ayaa sheegaysa in uu gudoomiye ku xigeenka Man United ee Woodward diyaar u yahay in uu iska dhaafo saxiixa Mandzukic.

Isla wararka ayaa sheegaya in ay Man United Haatan qorshaynayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa Haaland kaas oo ay doonayso in ay keento kooxda suuqa xagaaga.