Willian, Neymar, Ronaldo, Pogba, Van Dijk, Fernandes & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

1734

Suuqa kala iibsiga ayaan haatan furnayn iyada oo ayna kooxduhu la soo saxiixan karin wax xiddigo ah oo heshiisyo ku jira.

Laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna jiri doonin waxa kooxaha reer yurub la xidhiidhinaya xiddigaha kala duwan.

Kooxaha ayaa isku diyaarinaya suuqa Janaury ee sanadka cusub oo ay inaga xigaan bilo iayab oo wakhtigaas la saxiixan kara xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalin leh ah idiinku soo gudbin doonta wararka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee ay qoraan wargaysayda.

Xiddiga kooxda chelsea ee Willian ayaa iska diiday in uu heshiis 2 sano ah u saxiixo kooxda chelsea isaga oo doortay in uu dhamaysto heshiiskiisa si uu xor ugu biiro Barcelona xagaaga (Mundo Deportivo).

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa iska diiday heshiis cusub oo ay kooxda PSG u soo bandhigtay xilli uu wali ku rajo weyn yahay in uu ku biiro Barcelona (Sport.)

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba aya doorbidaya in uu ku laabto Juventus halkii uu ku biiri lahaa kooxda Real Madrid (Tuttosport).

Wakiilka Pep Guardiola ayaan meesha ka saarin suurtagalnimada uu tababaruhu sida ugu deg-dega badan ugu laaban karo Bayern Munich (AS).

Kooxda Man United ayaa heli karta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes xilli ay kooxda reer Portugal diyaar u tahay in ay xiddiga iibiso suuqa January (O Jogo).

Kooxda Juventus ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Roma haatana amaahda uga maqan ee Man United ee Chris Smalling kaas oo ay doonayso in ay la midoobayso Cristiano Ronaldo (Sun).

Kooxda Aston Villa ayaa Man United u sheegtay in ayna wax xiiso ah u hayn in ay suuqa January ka iibiso xiddiga wacdaraha dhigaya ee John McGinn iyaga oo kaliya maskaxdooda badali kara hadii ay helaan dalab ka sareeya 50 milyan oo euro (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaan la filayn in ay wax daafac cusub ah la soo saxiixato marka la gaadho suuqa January (Express).

Wakiilka xiddiga khadka dhexe ee diirada u saaran kooxda Arsenal ee Denis Zakaria ayaa sheegay in uuna xiddiga uu wakiilka ka yahay ka tagi doonin kooxda Borussia Monchengladbach marka la gaadho suuqa January (Mail).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay hal mar u wada dhaqaaqdo saxiixa xiddigaha Fabian Ruiz oo u ciyaara Napoli iyo Willian oo u ciyaara Chelsea marka ay dhacaan heshiiskoodu (Mail).

Kooxda Man United ayaa ka mid ah kooxaha si lama filaan ah u doonaya in ay Juventus ka afduubtaan Cristiano Ronaldo (Don Balon).

Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk waxana ay miiska u saari doonaan lacag dhan 120 milyan oo euro iyo waliba xiddigaha Gareth Bale, Luka Modric, Isco ama Marco Asensio (Diario Gol).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Juventus suuqa January (CorSport).

Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Stefano Sensi (Calciomercato).

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo kula jirto kooxda Juventus oo ay ka doonayso Paulo Dybala (Mercato365).

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Milan Skriniar (Corriere dello Sport).