Golaha Shacabka oo Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka+SAWIRRO

2025

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow meel-mariyey sharcigii doorashooyinka qaranka heer federal, ee dhowaanahan ay ka doodayeen.

Sida aan xogta ku helnay, ka hor inta aan la meel-marin sharciga, ayaa waxaa saxitaan lagu sameeyay labo qodob oo ka hadlayay mudo kordhin loo sameeyo barlamaanka iyo arrimaha Somaliland.

Sharciga ayaa waxaa u codeysay 171 xildhibaan.