Tababaraha Xulka Qaranka Argentine Oo Amaan Ugu Qubeeyay Liverpool

2007

Qaab ciyaareedka Cajiibka ah ee kooxda Liverpool ee horyaalka premier League ayaa soo jiitay indhaha adduunka oo dhan kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa ku dhaw in ay ku guulaystaan horyaalka premier League markii ugu horaysay muddo 30 sano ah iyaga oo 22 dhibcood ku hogaaminaya horyaalka premier League.

Kadib ku guulaysigii champions League xilli ciyaareedkii hore iyo in ay Final-ka gaadheen sanadkii ka horeeyay awooda Reds ayaan kaliya haatan ahayn mid horyaalka England ah.

Tababaraha Xulka qaranka Argentine ee Lionel Scaloni ayaa Amaan ugu qubeeyay Kooxda Liverpool kadib qaab ciyaareedka ay ilaa haatan ku jiraan tartamada oo dhan.

Lionel Scaloni oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Ma Jiraan Koox Aan Laga Badin Karin marka Laga Reebo Kooxda Liverpool”.

Hadalka Tababaraha Argentine ayaa imanay xilli aan kooxda Liverpool laga badin kulamo 40 ka badan horyaalka premier League halka ay muddo sanad ah kaliya la kulmeen hal guuldaro.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN