DAAWO:- Cali Khaliif “Waa Khasab in Somaliland la Hadasho DF Soomaaliya”

2155

Madaxwaynihii Maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, oo Horay Somalilnad Heshiis ula galay, Kana hadlaayay Munaasibad loo qabtay Buug uu qoray hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee waddani Xirsi cali xaaji xasan oo lagu qabtay magalada Hargaysa ayaa sheegay in khasab tahay inay wada hadlaan DF Soomaaliya iyo Somaliland.

Hogaamiyaha Khaatumo ayaa labadda dhinac ugu duur xulay inay qasab ku tahay inay wadda hadlaan., Wuxuuna sheegay in DF Soomaaliya hadii ay diyaar u tahay iyo hadii aanay u ahayn ba ay qasab ku tahay inay wadda hadalka furan.

” Jeclaada ama ha jeclaanina khasab ayay innagu tahay in aynu wadahadalno Soomaaliya, Laakiin Intaan Banaanka istaago ayaan ka Doobinayaa oo [Cadhaysnahay] Taasi war Maaha” Ayuu yidhi Dr. Cali Khaliif Gallaydh

Dr. Galaydh ayaa ku dheeraday xaalada Somaliland Marayso, Wuxuuna carabka ku dhuftay in goboladda Barigu hadan Rajadii ay ka qabeen Soomaliland ay hoos u dhac ku yimid. “Dhulkan (Somaliland) war badan oo run ah laysuma sheego” ayuu Raaciyey hadalkiisa Dr. Gallaydh.