DAAWO:-Wareysi ku saabsan ururka ‘Mar kale Midnimo’

2143

Waxaa magaalada London ee dalka Inrgiiska looga dhowaaqay Urur ka shaqayn doona Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, oo loogu magac daray “MAR KALE MIDNIMO” Islamarkaana diirada saaraya sidii Somaliland ay ula Midoobi lahayd Soomaali inteeda kale, Waxaana Hormuud u ah Aqoonyahano kasoo jeeda deegaanada Somaliland.

Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ah Xidhiidhiyaha Ururkan, ayaa sheegay inuu ku dhisan yahay Ururkan Feker iyo Aragti Abuur ku saabsan Midnimada , Wuxuuna sheegay inay doonayaan Sidii loo heli lahaa Midnimo Macno leh.

“ 30-Sanno sidan ay xaaladu tahay laguma Jiri karo, waxaana loo baahan yahay in la helo Jiho cusub, Hargeisa lagama Ogola Feker kale, Balse si qarsoodi ah ayaanu gudaha uga shaqaynaa”

Dhinaca kale Wasiir ka tirsan Somaliland ayaa ka jawaabay go’aankan Ururkan ‘Mar kale Midnimo’, Waxayna sheegeen inaysan jirin in la cabudhiyo, islamarkaana ay dadka Somaliland tashadeen.