Ciidamada DF oo gudaha u galay degmada Janaale

1573

Wararka hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab uu ka qarxay magaalada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dawladda oo garabsanaya kuwa caalamiga ah ee taageera dawladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen magaalada, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku jiraan magaalada, oo ay dhinac ay ka qeybsadeen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in rasaas laga maqlay bartamaha magaalada taasi oo u dhaxaysa ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Saraakiisha milatariga dawladda oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay in qorshuhu yahay in ciidamada dawladdu ay qabsadaan lana wareegaan gacan ku haynta Jannaale.

Degmada Janaale ayaa ka tirsan degmooyinka ay mudada dheer maalayaan Al-Shabaab waana degmada saddexaad oo ay gobalkaas ka joogaan.

Al-Shabaab hadii ay gacantooda ka baxdo Janaale waxay ku hari doonaan Sablaale iyo Kuntuwaarey oo ka tirsan degmooyinka ay hadda maamulaan ee gobalka Shabeellada Hoose.