Aabe & 4-carruur ah oo uu dhalay oo mar qura la gowracay +COD

1993

Wararka ka imaanaya Degmadda Walaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in halkaas lagu gowracay ku dhawaad 10-ruux oo shacab ahaa.

Dadka la gowracay ayaa kala ahaa Aabe, afar caruur uu dhalay, 5-dhalinyaro oo la afduubtay balse meydadkooda la helay iyaga gowracan.

Nabadoon Abuukar Maamow Cabdiyow (Agoon), oo kamid ah waxgaradka Degmadda Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in dad ku dhow 10-ruux lagu gowracay Deegaano hoos yimaada Degmadda Walanweyn.

Isagoo la hadlayay warbaahinta magaalada Muqdisho ayuu sheegay in falalka dadka lagu gowracay ay geysteen Maleeshiyaadka ku dagaalamay Degmadda Walanweyn.

Nabadoonka ayaa ku baaqay in arintaan la xaliyo,hadii kale ay galaafan doonto dad kale oo ku nool Degmadda Walanweyn, iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose.