Masjid iyo Guryo lagubay gobolka Sanaag

1810

Warar laga helayo Sanaag ayaa sheegaya in saaka dagaal qaraar oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed uu ka qarxay gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa haatan ka socda deegaanka Waqdariye oo ka tirsan Gobolka Sanaag, iyadoona la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkaan uu salka ku hayo arrimo la xariira dhul-daaqsameed oo ay isku qabteen maleeshiyaadka diriraya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu gubay Masjid, guryo ay daganaayeen dad shacab ah iyo goobo kale, kadib markii la qabad-siiyey dab xoogan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac-ba leh, balse lama oga inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dagaalkaasi.

Gobollada Sool iyo Sanaag oo dhaca waqooyiga Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ku soo laa laabta dagaallo u dhexeeya beelaha wada dega deegaanada gobolladaasi.