Madaxweynaha Puntland Oo Ku Eedeeyay Dowladda In Aysan Taageero Siin Ciidanka Puntland +VIDEO

1787

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka hadlay Amniga Guud ee Puntland, Qorsheeyaasha dhinaca Amniga ee socda, wuxuuna ka tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo maanta Qarax lagu dilay Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cadaaladda la marinayo dadkii ka danbeeyay dilkii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal, iyo sidoo kale dadka lagu helo baaritaanada socda ee dilka Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Puntland iyo Ciidamadeeda aysan illaa iyo hadda jirin cid gacan ka siisay la dagaalanka argagixisada iyadoo ay wadamo iyo hayáddaha taageera Soomaaliya ay sheegaan in ay Soomaaliya ka taageeraan Amniga.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in aysan jirin wax taageero Ciidan ah oo ay Puntland hesho.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay doorkooda ka qaataan illaalinta amniga iyo horumarka Puntland, wuxuu si gaar ah Madaxweynuhu fariin ugu diray dhallinyarada reer Puntland inay dowladda kala shaqeeyaan amniga.