Baarlamaanka Galmudug Oo Cod buuxa ku ansixiyey Golaha Wasiirada cusub+Sawirro

1546

Dhusamareb, 17 May,2020: Kalfadhiga 1aad kulankiisa 20aad waxa furay Guddoomiyaha Baarlamaanka DR Maxamed Nur Gacal, isagoo ka hor akhriyey baarlamaanka ajendaha maanta oo ah dhageysiga qorshaha xukuumada cusub iyo ansixinta golaha wasiirada.

Kulankaan waxa goobjoog ka ahaa madaxweyne Ku xigeenka Galmudug iyo wasiirada cusub.
Madaxweynaha Galmudug ayaa golaha barlamanka u sharxay qorshaha iyo Barnaamijka xukuumadda iyo habkii uu ku soo xulay.
Waxa uuna weydiistay iney siiyaan codka kalsoonida.

Guddoomiyaha Golaha wakiillada Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal oo shir guddoominayey kulanka maanta ayaa cod geliyay ansixinta xukuumadda, waxa uuna ku dhawaaqay natiijada isagoo sheegay in kulanka ay soo xaadireen 78 xildhibaan, kuwaas dhammaantood codka kalsoonida siiyey xukuumadda, sidaas daraadeedna ay ansax tahay oo ay shaqayn karto xukuumaddu.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa laanta sharci dejinta uga mahad celiyay siinta codka kalsoonida, iyo wada shaqeynta baaxadda leh oo ay la leeyihiin xukuumadda.

-DHAMMAAD-