Sidee loo qabtay ninkii kadambeeyay xasuuqii Rwanda ?

1704

Ganacsade hodan ah oo la yidhaa Felicien Kabuga ayaa muddo labaatan sano iyo dheeraad ah ka dhuumaalaysanayey dacwad oogeyaasha maxkamadda Rwanda ee baadhayey xasuuqii dalkaa ka dhacay, waxaanu adeegsan jiray 28 magac oo been ah iyo xidhiidho uu la leeyahay dad awood ku leh labada qaaradood ee Yurub iyo Afrika.

Ninkan 84 jirka ah ayaa muddo dheer dhuumaalaysigaa ku jiray ilaa intii ay dhamaanayeen dacwadihii ay qaadasay maxkamaddii caalamiga ahayd ee loo saaray xasuuqii dhacay 1994.

Laakiin kama dambaystii ayaa todobaadkii hore waxa laga soo qabtay guri uu deganaa oo ku yaal duleedka magaalo madaxda Faransiiska ee Paris oo uu isku qarinayey. Waxa hawl galkan haatan lagu soo qabtay uu qayb ka ahaa baadhitaankii oo uu mar labaad dib u bilaabay dacwad oogaha dembiyada dagaalka Qaramada Midoobay, oo madax ka ahaa dacwad oogeyaashii baadhayey dembiyadii dagaal ee aan ilaa haatan laga gun gaadhin ee ka dhacay wadamada Rwanda iyo Yoguslavia.

Wax yar uun ka dib xasuuqii ayaa Kabuba wuxu u baxsaday dalka Switzerland laakiin looma ogolaan inuu dalkaa dego, waxaanay waraku tibaaxayaan in uu dib ugu soo noqday Afrika oo uu ka soo degay magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Caddaymihii waagaa la helay badankoodu waxay farta ku fiiqi jireen in uu joogo Kenya, in kasta oo Brammertz sheegay in sidoo kale hore ninkaa loogu arkay Madagascar iyo Burundi.

Laakiin had iyo goor wararka noocaas ah ee soo baxayey waxay ahaayeen uun kuwo falcelin ah oo mar dambe oo marka uu meeshaa ka baxo uun la sheegayo. Sidaa awgeed hawl galkan haatan lagu soo qabtay “wuxu ahaa mid sir ah oo ay iska kaashanayeen baadhitaanno faro badan oo meelo badan ka socday” ayuu yidhi.

Wuxuu qaatay hawl galkani ugu yaraan muddo laba sano ah, waxaana raadcadiisa laga soo bilaabay halkii ugu dambaysay ee la ogaa in uu joogay oo ah Jarmalka oo markii ugu dambaysay ee lagu arkay ahayd sannadkii 2007 oo uu qalliin u tagay.

Baadhitaanno fiiro dheer oo lagu axadhay telefoonad iyo xogo maaliyadeed ayaa kama dambaystii baadhayaasha ku soo hagay Paris.

“Way adagtahay in la maleeyo sida uu ku soo galay Faransiiska isaga oo aan cidina gacan siinayn,” ayuu yidhi Patrick Baudoin oo ka tirsan xarunta International Federation for Human Righs.

Arinta layaabka lihi waxa weeyi in dalkan haatan joogay ay hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch sannado badan ku baaqaysay in halkaa laga baadi goobo oo sidoo kalena la baadho sida uu ku galay iyo cidda u fududaysa ba.

Dadka ay jaarka ahaayeen ee reer Paris waxay sheegeen in ninka da’da ahi muddo saddex ilaa afar sano ah uu halkaa degenaa.

Olivier Olsen, oo ah gudoomiyaha ururka dadka aqallada ku leh dhismahaa uu ku noolaa, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Kabuga ahaa “nin taxaddar badan” iyo sidoo kale qof “gunuusa marka aad salaanto”.

Intii aan xayiraadda fayraska korona la soo rogin waxa had iyo goor la arki jiray isaga oo lugaynaya, ayuu yidhi.

Kabuga haatan waxa lagu xidhay jeelka La Santé oo ku yaal badhtamaha Paris, halkaas oo uu ku jiri doono ilaa inta lagu wareejinayo hay’adda u xil saaran maxkamadayntiisa.

Brammertz ayaa se sheegay in ay todobaaddo ama bilo qaadan doonto ama xataa sannad ba inta ay bilaambayso maxkamadaynta ninkaas oo ka furmi doonta Hague ama magaalada Arusha ee dalka Tanzania, oo ah halkii fadhiga u ahayd maxkamaddii qaadaysay dembiyadii xasuuqii Rwanda.

Laakiin waxay qareennada Kabuga sheegeen in uu door bidayo in lagu maxkamadeeyo Faransiiska.

Dadkii ka badbaaday xasuuqaas ayaa rajaynaya in aanay dib u dhici doonin caddaaladda ay dooni jireen oo ninkaa maxkamadda dhakhso loo saari doono.

Markii la qabtay ayaa Valerie Mukabayire, oo ah gudoomiyaha dumarkii raggooda lagu laayey xasuuqaasi oo magaciisa loo soo gaabiyo Avega, ay BBC-da ku tidhi ” qof kasta oo xasuuqii ka badbaaday wuu ku farxay qabashadiisa. Qof kastaa wuu sugayey inuu maalin uu malqo warkan. Waa wax lagu farxo in haatan caddaaladda la hor geynayo”.

Taariikhda Félicien Kabuga oo kooban

  • Waxa lagu sheegaa inuu ahaa ninkii ugu hantida badnaa Rwanda wixii ka horeeyey xasuuqii 1994.
  • Wuxuu hantidiisa ka helay ganacsiga shaaha todobaataneeyadii iyo ganacsiyo kale oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ah.
  • Waxa ay aad iskugu fiicnaayeen xisbigii talada hayey ee MRND , waxaanay xidid ahaayeen Madaxweyne Juvénal Habyarimana, oo dhintay 1994.
  • Waxa lagu eedeeyey in uu ahaa ninkii lacagta ugu badan ku bixiyey xasuuqaas ee qorsheeyey isaga oo goobihii ganacsigiisa ka dhigay meelo laga qaado weerarrada oo lacag lagaga bixiyo gumaadka.
  • Wuxu lahaa idaacadda gaarka loo leeyahay ee RTLM oo lagu eedeyey in ay ku abaabushay qoomiyadda Hutu in ay laayaan Tutsis.
  • Maraykanka ayaa ballan qaaday abaal marin 5 milayn oo doolar ah oo la siinayo cidii halka uu joogo soo sheegta.