RW Kheyre oo maanta tagaya magaalada Dhuusa-Mareeb

1638

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo kasocda Xukuumadda Faderaalka ayaa kuwajahan magaalada Dhuusa-Marreeb ee xarunta Galmudug oo ay hadda kusugan yihiin madaxda maamul gobaleedyada dalka.

Ra`iisulwasaaraha ayaa maanta barqanimada waqtiga Soomaaliya ka dagaya magaalada Dhuusa-Marreeb, waxaana labo maalin ka dib tagaya magaaladaas Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in uu kulamo gaar-gaar ah la yeelan doono madaxda maamul gobaleedyada oo ay ka wada hadlayaan sidii meelmar looga dhigi lahaa is faham siyaasadeed oo la gaaro, balse ma jiraan ilaa hadda xogo hoose.

Maamul gobaleedyada qaarkood ayaa walaac ka qaba arrimaha siyaasadda ee taagan, waxaana kamid ah Puntland & Jubbaland oo ka didsan hanaanka doorashooyinka dalka, waxayna sheegeen in qodobada qaarkood ee dawladdu ay yihiin kuwa mudo kororsi doonaya.

Laakiin, Madaxweynaha & Raysalwasaaraha ayaa beeniyey in ay doonayaan wax mudo kororsi ah, waxayna sheegeen in ay diyar u yihiin doorashada oo ku dhacda waqtigeeda, waxaase wali dood ka taagan taahy nooca doorasho.